Wararka aan ka heleyno Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay isku dileen laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.
Dilka Askarta Itoobiyaanka ah ayaa yimid, kadib markii uu muran gacan ka hadal ah uu soo kala dhex-galay labada Askari, iyagoo markii dambe qori isku qaatay, sidaasina ay isku toogteen
Dad ku sugan Luuq ayaa soo sheegaya in Askarta murankooda uu ka dhashay haweeney saxiib la aheyd labada Askari ee Itoobiyaanka ahaa, waxaana goobta falka uu ka dhacay laga soo qaaday Meydadka Askarta oo daqiiqado yaallay.
Degmooyinka ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Itoobiyan ah oo ka qeyb ka ah howlgalka AMISOM, iyagoona Ciidanka dowladda Federaalka kala qeyb qaata howlgalka dagaalka ay fuliyaan.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com