Borama News Network

Maxay Yihiin Danaha Gaarka Ee Dalka Turkigu Ka Leeyahay Dalalka Qaarada Africa?

Xidhiidhka Turkiga iyo Afrika ayaa siyaabo badan isku bedelay labaatankii sano ee uu xukunka hayay Recep Tayyip Erdogan.

Muddadaas Turkigu, waxa uu saldhigyo ciidan ka dhistay qaybo ka mid ah qaaradda sida Soomaaliya, Marooko, iyo Tuuniisiya xilli sida oo kale oo dhinac ka mid ah dhinacyada taageereyey xaaladdii ka taagnayd Liibiya iyo dagaalka Tigrayga ee Itoobiya.

In ka badan 20,000 oo ciidamo gaar ah ayaa muddadaas loo tababarayrayo Soomaaliya, sida oo kalena waxa uu dugsiyo islaami ah ka dhisay dalka Senegal.

Dhanka Turkiga, gaar ahaan madaxweynaha, Afrika waxay u ahayd door muhiim ah. Sannadkii 2011-kii oo ay jirtay abaar ba’an, Erdoğan waxa uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn oo booqda caasimadda Soomaaliya ee ay dagaalladu aafeeyeen muddo labaatan sano ah.

Ankara ayaa isla markiiba bilowday hindise gargaar oo tan iyo markaas Soomaaliya ka caawisay tallaabo kasta oo loo qaaday geeddi-socodka dawlad-dhisidda, weliba si baaxad leh.

Habkan bini’aadantinimo ee ay weheliso xigaalnimada Islaamka, xidhiidhka taariikhiga ah, ama ayaa weli dawladda Turkigu sida ay qabaan dad badani ay u isticmaashaa waddammada kale.

Waana sida uu Turkigu ku helay sumcadda aadka loo hadal hayo ee ah saaxiibka wanaagga iyo caddaaladda.

“Turkigu wuxuu aaminsanyahay mabda’ ah in mushkillada Afrikaanka ay xalliyaan iyaga dhexdooda sidaas daraadeed Turkidu ma dhex gasho arrimaha Afrika” ayuu yiri Dr Axmed Sheekh Maxamed (Axmed Tiir) oo ka faallooda arrimaha islaamka iyo caalamka.

Erdogan waxa u uku tilmaamay xidhiidhka iyaga iyo qaaradda u dhexeeya mid dhinac walba guul u ah taas oo macnaheedu yahay in la doonayo in la horumariyo dhawn walba faa’iido leh.

Madaxda dalalka Afrika ayaa iyaguna aaminsan in Turkigu uu yahay mid ka mid ah dalalka ugu muhiimsan caalamka ee ay la leeyihiin xiriirka saaxiibtinimo isla markaana ay ka heli karaan tallaabooyinka dhanka horumarka ah ee ay hiigsanayaan.

Dhinacayada ay filayaan in Turkigu ka caawin karo waxaa ka mid ah amniga gaarahaanna la dagaalanka argagixisada iyo inuusan shuruudo ku xireynin sida qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka

Balse qaar ka mid ah dadka dhaliila ayaa ku doodaya in maal-gashiga Turkiga ee Afrika aanu ahayn mid sii waaraya mustaqbalka fog, waxayna aaminsan yihiin in maal-gashigan ay inta badan wataan dano dhaqaale oo mustaqbalka dhow ah.

Tusaale ahaan, warbixin uu soo saaray bangiga horumarinta Afrika 2019 ayaa lagu sheegay xilli xidhiidhkii Turkiga ee Afrika uu keenay faa’iidooyin badan, balse ay jiraan khataro iyo caqabado u baahan in wax laga qabto.

Warbixintu waxay iftiimisay welwelka laga qabo sii jiritaanka qaar ka mid ah mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Turkiga iyo baahida loo qabo in fiiro gaar ah loo yeesho saameynta deegaanka iyo bulshada.

Turkiga ayaa malaayiin dollar ka sameeya sanad walba maalgashiga Afrika. Waa dhul-beereed aan la isticmaalin oo Turkigu ka faa’iidaysan karo oo ay shaqo abuurna u ah Turkiga sababtoo ah waxaa jira shirkado oo 10kii sano ee la soo dhaafay ka shaqynayey Afrika, tani waxay sidoo kale faa’iido u leedahay wadamada Afrika.

“Turkigu 2002-dii laba iyo toban safaaradood bes ayuu Afrika ku lahaa maantana afartan iyo afar safaaradooda ayuu Afrika ku leeyahay”. Waxaa sidaas BBC-da u sheegay Axmed Tiir. Sidoo kale waxaa kordhay is waydaarsiga ganacsiga ee Turkiga iyo dalalka Afrika.

Labada dhinac ayaa u muuqda in mid walba midka kale ka dhex arko maslaxadiisa marka loo eego baahida iyo qorshayaasha ay doonayaan inay gaaraan ee dhanka horumarka.

Turkiga ayaa hadda diyaaradihiisa dagaalka ee aan duuliyaha lahayn isla markaana casriga ah geeyay dhowr dal oo Afrikaan ah, tallaabadaas oo iyada qudheeda loo fasiray inay tahay calaamad muujinaysa in Turkigu uu aad u daneynayo qaaradda oo ay ku hardamayaan qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka.

Related posts

Dowlada Turkiga Oo Xukun Ku Riday Wiilka Uu Dhalay Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Xukunka Lagu Riday

Abdiaziz Bnnstaff

Masiibo ka dhacdey Hargaysa oo sababtey Geerida Hooyo iyo Caruur ay dhashay

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Ruushka Oo Hadiyad Qaali Ah Gudoonsiiyay Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un

Abdiaziz Bnnstaff