Dad Badan Oo Ku Dhintay Oo Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Xarun Caafimaad Oo Ku Taala Gobolka Canfarta

Tiro dad ah ayaa ku dhintay weerar culus oo lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taalla gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya halkaas oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya fallaagada Tigray iyo ciidamada dowladda.

Dhakhatar ku sugan goobta la weeraray ayaa BBC u sheegay in ugu yaraan 12 qof ay u dhinteen dhaawacyo culus oo kasoo gaaray weerarka lagu qaaday xarunta caafimaad ee Galikoma.

Afhayeen u hadlay maamulka Canfarta ayaa ku eedeeyay in ciidamada Tigray ay ka dambeeyeen weerarka , inkasta oo TPLF aysan ka hadlin eedeymahan loo jeediyay.

Waxaana lagu soo warramayaa in xaruntan ay ku sugnaayeen dad kasoo barakacay colaadaha ka taagan halkaas.

Dagaallada muddada 9 bilood ah ka socday Tigray ayaa haatan ku baahay gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwaynaha Cusub Ee Maamulka Hirshabeele Oo Baaq U Diray Beesha Caalamka

Bnnstaff Bnnstaff

Baraf Dabaylo Wata Oo Ka Da’ay Qaybo Ka Mid Ah Dalka Uk Xili Loo Diyaar Galoobayaya Wakhtiga Kulaylaha

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Ramaax Oo Shaaciyay In Uu Yahay Murashaxa Iyo Gobolka Uu Ka Tartamayo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More