Laamaha ammaanka Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibadeeda Caalamka ayaa sheegay in ay ka hortageen gaari waxyaaabaha qaraxa laga soo buuxiyay.
Qoraalka lagu daabacay Wrbaahinta dowladda ayaa lagu sheeegay in gaarigaasi siday waxyaabaha qarxa lagu beegsaday meelo u dhow degmooyinka Jilib, Kunya-Barow iyo Xaramka, kuwaasi oo dhammaan la baabi’iyey.
“Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa ka hortagay baabuur qaraxyo ah oo loo soo waday in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed. Baabuurtaas waxa lagu beegsaday meelo u dhow degmooyinka Jilib, Kunya-Barow iyo Xaramka, kuwaasi oo dhammaan la baabi’iyey. Tallaabadan ayaa ka qeyb ka ah dadaallada Dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada caalamka ay ku bartilmaameedsanayaan Al-Shabaab, si guud ahaan dalka looga ciribtiro” ayaa lagu yiri Qoraalka lagu daabacay Warbaahinta dowladda.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com