Raysal Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Madaxwaynaha Dalka Kenya Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya H.E. Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga Kenya ayaa manta oo Talaado aheyd ayaa iyaga kala horkacayay wafdi oo ka kala socday labada dal waxa ay wadahadalo laba geesood ah ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada, Mombasa.

Labada wafdi ayaa ka wada hadlay dhowr arrimood oo istiraatiiji ah oo danaha guud ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu muhiimsanaa soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) sannadkii 2015.

JCC kaas oo qeexayay baaxadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada sida ganacsiga iyo maalgashiga, gaadiidka, difaaca iyo amniga.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Waa Wixii Laga Dagaalay In Dalka Sidii La Doono Loo Maamulo Gudoomiyaha Maxkamadana Waa In Golaha Looga Yeedhaa”

Bnnstaff Bnnstaff

Imaaraatka Iyo Itoobiya Oo Fadhi Ka Yeeshay Dekadda Berbera Oo Ay Saami Ku Wada Leeyihiin

Bnnstaff Bnnstaff

Dil Ka Dhacay Magaalada Boosaaso Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dilkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More