Dab Xoogan Oo Khasaare Dhaliyay Oo Ka Kacay Goob Ganacsi Oo Ku Taala Walawayn

Dab dhaliyay Khasaare baahsan ayaa ka kacay Degmada Wallen-weyn ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana lasoo sheegayaa in uu jiro Khasaare hantiyadeed oo aad u farabadan.

Dadka degaanka ayaa soo sheegaya in dabku uu ka kacay Kaalin shidaal oo ku taalla Degmada Wallen-weyn ee Gobolka Shabeellaha hoose, iyadoo dabkaasi uu qaatay muddo saacado ah, Kalinta shidaal ee dabku qabsaday ayaa gabi ahaanba gubatay, waxaana dabku uu ku faafay goobo ganacsi oo hor leh
Dadka degaanka iyo maamulka Degmada ayaa iska kaashaday sidii ay dabkaasi damin lahaayeen, iyadoo ay xusid mudan tahay in degmadui aysan lahayen Dab-damis, waxaana ay ku guulaysteen maamulka iyo Bulshada degmada in ay Damiyaan Dabka oo khasaare lixaad leh oo hantiyadeed gaystay.

Waxaa la sheegay in dabka uu qaatay damintiisu muddo afar saacadood ah, iyadoo inta uu socday uu hadba kusii faafayay goobo kale ganacsi, waxaana lasoo sheegayaa in aysan jirin dad ku waxyeeloobay marka laga tago in khasaatraha Hantiyadeed.

Inta badan degmooyinka iyo degaanada ka baxsan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa ka kaca dab, mana laha degaanadaasi gaadiidka Dab damiska ee sida fudud kaga jawaaba musiibooyinka noocaan ah.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Joe Biden: Mareykanka Diyaar Ayuu U Yahay Inuu Markale Dunida Hogaamiyo

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Lafta-Gareen Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Shabeellaha Hoose

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa Ka Jira In Diyaaradaha Turkiga La Geeyay Dalka Ethiopia Muxuuse Yahay Iskaashiga Cusub Ee Dhex Maraya Labad Dhinac

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More