Gudoomiyihii Gudigga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Oo Geeriyooday Iyo Dowladda Oo Ka Hadashay

Alle ha u naxariistee Waxaa Caawa Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Cusbitaalka Martiini ku geeriyooday Gudoomiyihii Gudigga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal, Marxuum Cabdillaahi Abyan Nuur.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu u geeriyooday Caabuqa Covid19 oo haleelay,kaasi oo Cusbitaalka loo dhigay

Geerida Marxuumka ayaa waxaa ka hadlay Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isagoo bulshada Soomaaliyeed kaga tacsiyeeyay Geerida ku timid Gudoomiyihii Gudigga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal, Marxuum Cabdillaahi Abyan Nuur.

“Naxariistii Janno Allaha siiyo Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Dalka marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo Muqdisho ku geeriyooday.Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo” ayuu yiri RW Rooble

 

Xafiiska Wararka Boramaanews

BoramaNews.com

Related posts

Cabdikariin Xinif Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Wasiiro Hore Ee Ka Tirsanaa Xukuumadii Siilaanyo

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Sweden Oo Sharci Cusub Ku Soo Rogtay Xawaadaha Soomaalida

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Iran Oo Shaacisay Cida ka Denbaysay Weerarkii Lagu Qaaday Markabkeeda

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More