Taliban Oo La Wareegay Jalalabaad Kuna Siqaya Caasimadda Kabul

Maleeshiyadda Daalibaan waxay Waaberigii hore ee saakayto oo Axad ah dagaal la’aan kula wareegeen magaalladda Jalalabaad ee Caasimadda Gobalka Nangarhar ee Bariga dalka Afganistan.

Abraarullaahi Muraad oo ah Xildhibaan Gobalka Nangarhar ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka AP inay Daalibaan qabsadeen Jalalabaad, kadib, markii ay wada-xaajood la galeen Odayaasha ku nool magaalladaas.

Daalibaan waxay si Online ah Sawiro u soo dhigayeen Baraha Bulshada, iyagoo ku sugan Xafiiska Guddoomiyaha Gobalka Nangarhar.

Saraakiisha ayaa sheegay inay Kooxda Daalibaan, iyagoo sugaya Amaanka Wadada isku xirta  Afganistan iyo Pakistan.

Shalay waxay Kooxda Daalibaan qabsadeen magaalladda Masaara Shariif oo ah magaalladda ugu weyn ee Waqooyiga dalkaas.

 

 

Related posts

Siyaasi Cabdilaahi Dahab Oo Ka Hadlay Xadhigii Shlay Ee Wariyayaash Magaalada Hargaysa Baaqna Udiray Xukuumada

Bnnstaff Bnnstaff

Barakac Ka Bilaabmay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo Cabsi Laga Qabo Dagaal Kale Awgeed

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Somaliya Oo Amartay Soo Qabashada Rag Dad Ku Laayay Galgaduud

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More