Doorashada Labaad Ee Aqalka Sare Oo Maanta Ka Dhaceysa Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeerka u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada kuraas ka harsaneyd Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Lix Musharax ayaa ku tartamaya saddex kursi oo kamid ah 8-da kursi ee Aqalka Sare ee laga soo doorto Koonfur Galbeed, waxaana dadka Musharaxiinta tartameysa kamid ah Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji.

Doorashada Maanta ka dhaceysa Baydhabo ayaa waxaa kursigeeda Xildhibaan ee Golaha Shacabka ku weyneysa Wasiirada Haweenka Xukuumadda Xaniifa Maxamed Ibraahin Xaabsade, kadib markii Lafta-gareen uu Liiska Musharaxiinta ka saaray, kuna soo bedelay Nin la dhashay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa dooran doona kuraasta harsan ee doorashada Aqalka Sare, waxaana haatan howlka Baarlamaanka Maamulkaas ka ka socota qaban-qabadii ugu dambeysay ee doorashada dhaceysa.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona maamulkii labaad ee dhameystira doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo horey Puntland u dhameystirtay

Related posts

“Dabaqadii Sare Ayuu Baa Maanta Noolaan Karaysa” Ganacsada Yaryar Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Sixir Bararka

Bnnstaff Bnnstaff

Muuse Biixi Oo Qaabilay Wafti Ka Socda Dalka Jabuuti Iyo Ujeedada Socdaalka Waftigaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Guudlaawe Oo Hadal U Jeediyay Macwiisleyd Loo Diyaariyey Dagaalka Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More