Wabiga Shabeelle Oo Fatahaad Horleh Ka Sameeyay Deegaano Hoostega Magaalada Jawhar

Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa uu markale fatahaad horleh ka sameeyey degaano iyo tuulooyin hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Goobaha uu wabiga fatahaada ka sameeyay ayaa waxaa kamid ah tuulooyin u dhaxeeya degaannada Bayaxaaw iyo Halgan, halkaas oo dadkii badi deganaa ay isaga barakaceen.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Waraabka Maamulka Hr-Shabeelle Xildhibaan Maxamded Cumar Ceeymooy ayaa sheegay in fatahaada Wabiga ay keentay buqda halgan oo furantay, tasina ay keentay dhibato horleh.

Waxaa uu ugu baaqay dadka degan Wabiga Jiinkiisa inay ka feejignaadaan fatahaada Wabiga, isaga oo hadalkiisa uu intaasi ku daray in maamulka Hir-Shabeelle uu ku dadaali doono in uu ka hortago fatahaada.

Wabiga Shabeelle ee mara Gobolada labada Shabeelle iyo Hiiraan ayaa waxaa uu sanad walba sameeyaa fatahaado horleh, waxaana uu baabi’iyaa dalagyo dhowr ah sido kalena ay ka barakacaan Boqolaal qoys.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay Abaar Horleh Oo Ku Dhufata Meelo Kamid Ah Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Isku Daygii Afraad Ee Xal Loogu Raadinayo Khilaafka Siyaasadeed Ee Somaliland Oo Bilaabmay

Bnnstaff Bnnstaff

“Xirsi Iyo Muuse Biixiba Waa Isla Kulmiye Uun ” Faysal Cali Waraabe

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More