Wararkii ugu horreeyay ee soo baxay waxay sheegayeen in uu u cararay dhanka dalka Tajikistan.
Balse, Al-Jazeera, ayaa mardambe baahisay in Ghani, Xaaskiisa, Taliyaha Ciidamada iyo lataliyihiisii dhanka Amniga, ay u carareen dhinaca magaalada Tashkent, oo ah caasimadda Uzbekistan.
Warkaas waxaa laga soo xigtay mid ka mid ah ilaalidiisii gaarka ahaa, balse weli ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya dalka uu u cararay madaxweynaha Afghanistan, dowladdiisana kama aysan hadlin.
Farriin uu Facebook soo dhigay oo Ghani uu kula hadlayay shacabka dalkiisa wuxuu ku sheegay in “go’aan adag uu ahaa in uu ka baxay Kabul si uu uga hortago in dhiig uu daado”.
Farriintaas wuxuu baahiyay waxyar ka hor intii uusan ka bixin magaalada Kabul. Haddii uu dagaal ka dhici lahaa, waxaa halis gali laheyd nolosha malaayiin qof.
Wuxuu yiri: “Maanta waxaa ku qasbanaaday in go’aan adag aan gaaro, kaas oo ahaa in aan hor istaago Taliban oo doonayay in Madaxtooyada ay qabsadaan, ama in aan badbaadiyo dalkeyga aan jeclahay – oo aan difaacayay 20-kii sano ee la soo dhaafay. Hadda waan ka tagayaa”.
“Haddii ay noqon lahayd in tiro dad ah oo aan la xisaabi karin ay dhintaan xilliga dagaalka, waxaan arki lahayn musiibada ka dhacda Kabul, iyo dhibaato wayn oo soo gaarta lix milyan oo qof oo ku nool magaalada.”
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com