Sarkaal sare oo ka tirsan militariga Turkiga ayaa BBC-da u sheegay in marka la eego sida ay xaaladda isku baddashay aysan Turkiga macquul u ahayn inuu ku dhaqaaqo qorshihiisii ku saabsanaa inuu la wareego garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul.
Ankara ayaa ku gooddineysay in ay qabsan doonto garoonka xitaa haddii Taalibaan ay gudaha u galaan caasimadda. Madaxda Taalibaan ayaase ku gacan seyray arrintaas, iyagoo sheegay in ciidan walba oo shisheeye ah ay la dagaallami doonaan.
Turkiga ayaa hadda qaaday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee ku aaddan sidii uu u daad gureysan lahaa diblomaasiyiintiisa iyo muwaadiniinta kale ee ka jooga Afghanistan.
Mareykanka iyo waddamada kale ee reer Galbeedka ayaa sidaas si lamid ah ugu howlan inay badbaadiyaan dadkooda rayidka ah.
Sida kaliya ee Turkiga uu ula wareegi karo garoonka diyaaradaha waa in uu heshiis arrintaas ku aaddan ka dhasho kulanka ay la leeyihiin hoggaamiyeyaasha Taalibaan.
Sarkaalka la hadlay BBC-da ayaa sheegay in wali ay waqti hore tahay in go’aan rasmi ah laga qaato xaaladda Afghanistan marka la eego dhaqdhaqaaqa Taalibaan iyo joogitaanka ciidamada NATO.
Markii madaxda Turkiga ay bishii June ku dhawaaqeen inay qaadi doonaan mas’uuliyadda garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul, mowqifka Taalibaan wxa uu ahaa mid aan sidaas usii adkeyn.
Mareykanka ayaa taageeray in ciidamada Turkiga ay tagaan garoonkaas, kaddibna waxaa billowday in Taalibaan ay hadallo kulkulul jeediso.
Balse arrinta ayaa sii adkaatay markii ugu dambeyn hogaanka Taalibaan ay magaalada Dooxa Turkiga si toos ah ugu sheegeen inaysan ka oggolaan doonin qorshahaas.
Xukuumadda Ankara ayaa aaminsan in xaaladda ay xumeynayaan dalal shisheeye oo kasoo horjeeda in Turkiga uu ku lug yeesho dhaqdhaqaaqyada ka socda magaalada Kabul iyo in uu saameyn ku yeesho Taalibaan.
Dowladda Ruushka oo si cad u muujiyay in uusan ku qanacsaneyn wadaxaajoodka u dhaxeeyay Iiraan iyo Turkiga ayaa ka mid ah dalalkaas.
Khubarada dhinaca amniga ayaa sheegay in sababta ay Taalibaan qallafsanaanta ugu muujineyso Turkiga ay tahay sidii ay xiriir heer sare ah ula yeelan lahayd waddamadaas uu ka mid yahay Ruushka.
Pakistan iyo Qadar oo saameyn ballaaran ku leh Taalibaan ayaa la aaminsan yahay inay iyaguna ka gaabibiyeen sidii ay door uga qaadan lahaayeen in la heshiisiiyo Turkiga iyo Taalibaan.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com