Daalibaan Oo Cafis Guud Ku Dhawaaqday Baaqna U Dirtay Shaqaalahii Dowladii Hore

Ururka Daalibaan ayaa waxay Cafis u fidiyeen dhamaan Shaqalaha Dowladda Afganistan, waxayna ku booriyeen inay dhamaantooda oo ay Haweenka ku jiraan ku soo laabtaan Shaqada, 2 maalin kadib, markii ay Kooxda Daalibaan la wareegeen Awoodda dalka Afganistan.

Enamulalhi Samangani oo xubin ka ah Guddig Dhaqanka ee Daalibaan ayaa Cafiskaasi kaga dhawaaqay Telefishinka Dowladda Afganistan ee ay gacanta ku hayaan.
Waxa uu tilmaamay inaysan Daalibaan doonaynin inay Haweenku noqdaan Dhibanayaal.

Mar uu ka hadlayey Qaab Dhismeedka Dowladda cusub waxa uu sheegay inuusan si buuxda u caddayn, balse asaas looga dhigi doono Khibradda iyo Hoggaamin buuxda oo Islaami ah.

Xafiiska BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Farmaajo Oo Ka Qeyb Galaya Shirweyne Ka Furmaya Magaalada Istanbul

Bnnstaff Bnnstaff

Hogaamiyihii Mucaaridka Ee Dalka Rwanda Oo Lagu Dilay Dal Aan Rwanda Ahayn

Bnnstaff Bnnstaff

Ex Xildhibaan Nacnac Oo Ka Hadlay Xadhiga Wariye Coldoon Sheegayna In Xadhigaasi Waji Kale Yeeshay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More