War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayay ku cillaamiyeen in 19-ka bisha oo ku beegan khamiista in Muqdisho ay ka dhici doonto munaasabada xuska sannad guurada xiriirka labada dal.
Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dib u billaawday ka dib markii booqasho indhaha caalamka tustay dalka uu ku yimid Ra’iisul wasaarihii xiligaasi ee Turkiga haddana ah Madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdo§an.
“Annagoo ah laba ummadood oo walaalo ah oo Soomaaliya iyo Turkiga ah, waxaan taariikh ahaan kor u qaadnay xiriirka walaalnimo iyo xoog illaa qarnigii 16aad. Tan iyo markaas, xiriirkeenna diblomaasiyadeed, xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga Dhinacyo kala duwan ayaa dhinac socda xiriirrada dad-weynaha markii aan bilownay howlaheenna 1979-kii” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dowlaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa leg xiriir diblu-maasiyadeed oo leh dhinacyada iskaashi amniga, dhaqaalaha, arrimaha bani’aadamnimada iyo ganacsiga.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com