Hoggamiyaha Daalibaan Oo Amray In La Sii Daayo Maxaabiista Siyassadeed Ee Xidhan

Hoggaaamiyaha Daalibaan, Hibatullaahi Akhundzada waxa uu amar ku bixiyey in la sii wada daayo dhamaan Siyaasiyiinta ku xiran Xabsiyada dalkaasi.

Qoraal uu Afhayeenka Daalibaan, Qaari Yuusf Axmedi soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku shaaciyey Amarka uu Hoggaamiyahooda ku bixiyey in la sii daayo Siyasiyiinta xiran, iyadoo Guddoomiyayaasha Goballadda la amray inay si shroud la’aan ah u sii daayaan Maxabiista Siyaasadda ee darajadahoose iyo Xilalka sare hayey.Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in Maxaabiista la sii daynayo lagu wareejiyo Qoysaskooda maalinta berrito ee Jimcaha ah.

Maleeshiyada Daalibaan waxay bishan 15-dii gudaha u galeen caasimadda dalkaasi ee Kabul, taasi oo soo dedejisay Burburka Dowladdii ay Maraykanka taageerayeen.

Qabsashada Daalibaan ee Xukunka Afganistan waxay sababtay inay Kumanaan qof ka baxsadaan dalkaasi, cabsi ay ka qabaan Xukunka Daalibaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Gudiga Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Mudaharaadyadii Dugsiyada Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Qaraxaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekadii Ninkii Soo Bandhigay Sadexda Xaas Halka Gurina Wada Dejiyay Oo Waji Cusub La Soo Baxday

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More