Boqortooyada Sacuudiga Oo U Yeedhay Raysal Wasaare Rooble Iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Iyo Sobobta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa la filayaa in maalmaha soo socda safar ku tagaan dalka Sacuudi Carabiya.
Wararku waxaa ay sheegayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo RW Rooble ay ku wajahan yihiin Dalka Sacuudiga,kaddib markii sida la sheegay ay martiqaad ka heleen Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in Dowladda Sacuudigu ay Madaxda uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha ay qaabili doonto, lamana shaacin ujeedka rasmiga ah ee safarkooda hayeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda Sucuudiga ay qorsheyneyso dib u soo celinta xirriirka Soomaaliya oo aad aad u xumaa afartii sano ee la soo dhaafay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Lamaane Aroos Ahaa Oo Ku Geeriyooday Weerarkii Shalay Ka Dhacay Weerarkii Hotel Afrik

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Ku Xigeenka Kawbaad Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Ka Taagan Golaha Wakiilada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa Ka Jira In Ruushka Uu Sumeeyey Siyaasi Si Adag U Dhaliila Madaxwayne Putin?

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More