Ciidanka Dowlad Degaanka Soomaalida Oo Qabtay Hub Farabadan

Holwgal ay ka sameeyeen Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida gobolka Faafan ayaa waxaa la sheegay inay ku soo uruuriyeen hub sharci-darro ah oo mararka qaar Beelaha ay isku adeegsan jireen.

Taliyaha ururka 2aad, guutada 5aad ee Xoogga Ciidanka Gaarka Ah gaashanle-dhexe Daahir Kaamil oo war-baahinta la hadlay ayaa sheegay in hub sharci-darro ah oo khal-khal-gelinta amniga iyo isku-dilka bulshada loo adeegsanayey ay gacanta ku soo dhigeen.

hubkan oo ahaa mid uu shacabku isku dilayey ayey ciidanku iyaga oo fulinaya awaamiirta taliska sare ee ciidanka ee ahaa in hubka sharci-darrada ah laga uruuriyo bulshada ay ka soo uruuriyeen bulshada degta deegaannada Daakhate, Baabili, Bambaas iyo nawaaxigooda si ayna iyagu isugu adeegsan, kaddib markaan tashi la samaynay odayaasha iyo waxgaradka bulshada ayuu yidhi taliyuhu ay xal noqotay in gabi ahaamba shacabka laga qaado ayuu yiri” Taliyaha.

Taliyaha ayaa sheegay in ayna hubkan geynayn meel kale kaliya ay geynayaan goobaha sharciga ah sida saldhigga booliska degmada iyo goobaha aan bulshada waxyeello loogu geysanayn, laguna carqaladayn doonin amniga Deegaanka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dhul-Gariir Ka Dhacay Haiti Oo Lagu Hoobtay iyo Tirada Dhimasho Oo Sii Korortay

Mustafehaji

Amisom Oo Shir Ka Yeelatay Sugida Amniga Doorshooyinka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Saraakiil Ka Tirsanayd FBI-da Maraykanka Oo Lagu Laayay Gobolka Florida

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More