Borama News Network

Xuutiyiinta oo gantaallo culus ku garaacay Dekedda Eilat ee Israaiil ka dhisatay Dhulka Falastiin.

uutiyiinta Yemen ayaa war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in duqayn culus oo ay u adeegsadeen Gantaallo xooggan ay ku beegsadeen Dekedda Eilat ee Israaiil ay ka dhisatay Dhulka Falastiin ay xoogga uga qabsatay.

Kooxdaan ayaa go’doon culus gelisay Dekeddaan oo ah marinka badda ee Yuhuudda wax looga gudbiyo balse waxaa caqabad iyo culays xooggan ku noqday Weerarrada Xuutiyiinta ay billaabeen bishii Nofeembar 2023.

Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in weerarrada Xuutiyiinta ay halis badan geliyeen dhaqdhaqaaqa Dekeddaas maadaama dhowr jeer ay weerareen Maraakiib u socotay dhinaca Dekedda Eilat halka Maraakiibta qaar dhabba socodku ku dheer yahay ay u weecdeen.

Maraykanka, Ingiriiska & Dalal kale oo ay is xulufaysanayaan si ay uga hortagaan weerarrada Xuutiyiinta ee cunaqabataynta adag ku noqonaya Israaiil ayaa dhowr jeer isku dayay in ay sameeyaan duullaan toos ah oo xitaa Yemen ay ka gaysteen balse ma joojin cabsida taagan.

Xuutiyiinta ayaa joojinta weerarradooda & go’doonka dhinaca Badda ah ay gelinayaan Israaiil waxa ay shuruud uga dhigeen in ciidamada Yuhuudda ay joojiyaan duullaanka qaawan ee Dhulka Falastiin ee Dadka badan ay ku xasuuqeen.

Related posts

BORAMA: isku soo baxa Taageerayaasha Xisbiga Waddani

Mustafe haji

Raysal Wasaare Ku Xigeenka Somaliya Oo Ka Hor Yimid Go’aan Ka Soo Baxay Gudoomiyaha Aqalka sare

Abdiaziz Bnnstaff

“Xamaray kuu socon mayso anagay wax naga go’aan, meel aanad tagi karinba”Abwaan Yuusuf Shaacir Oo siyaasada Faraha La Galay.

Abdiaziz Bnnstaff