Waxaa saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayaa Magaalada beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo xalay ay ka dhaceen iska hor-maad kooban iyo banaanbaxyo khasaaro kala duwan geeystay.
Ciidamo la magac baxay badbaadada Hiiraan kana tirsan Guutada 5aad qeybta 27aad ayaa, iyaga oo u abaabulan hab Beeleed waxaa ay la wareegeen Xarumaha Maamulka Gobolka Hiiraan, kuwaas oo kasoo horjeeda in Magaalada Beledweyne uu tago Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe.
Goobaha Ganacsiga iyo isku socodka Magaalada Beledweyne ayaa saaka ah mid caadi ah, waxaana jirta in Bulshada Magaalda ay siweyn u hadal haayaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Beledweyne.
Wararka Idaacadda Risaala ay ka heleyso Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in kulan looga hadlayo xaaladaha kusoo kordhay Beledweyne ay leeyihiin Odayaasha Dhaqanka Magaalada.
Lana qiyaasi karo waxa iska bedeli karo xaalada Beledweyne, iyada oo uu ka baaqsaday Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo la filayay in Maanta oo Isniin ah uu tago halkaas.