Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Midowga Musharraxiinta ayaa xalay markale waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Kulanka oo cashobsharaf ahaa ayaa waxaa Madaxda kala duwan u sameeyay Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoor Qoor).
Kulanka ayaa la isku xogwareystay xaaladda uu dalku marayo, hannaanka ay u socdaan doorashooyinka iyo sidii loo dar dargelin lahaa doorashooyinka.
Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa shalay soo bandhigay tabashada ay ka qabaan go’aanadii kasoo baxay shirkii Golaha wadatashiga ee ka qabsoomay Magaalada Muqdisho
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com