Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Magaalada Baladwayn Oo Ay Xiisadi Ka Taagantahay

Waxaa saacadihii la soo dhaafay degan xaaladda Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo haben ka hor gashay xaalad khalqal ah kadib markii Ciidamo ka tirsa n kuwa qeybta 27aad ee goadoodsan ay la wareegeen Xarumaha Maamulka, iyaga oo sheegay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uusan tegi karin Beledweyne.

Wararka naga soo gaaraya Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in dhamaan Goobaha Ganacsiga, Waxbarashada ay furan yihiin, sidoo kale nolosha kale ay caadiga ah ay socota, isla markaana Ciidamada ay wlei ku sugan yihiin Xarumihii ay la wareegeen.

Dhinaca kale Magalada Beledweyne waxaa ka socda kulamo xal raadin ah oo ay wadaan Mas’uuliyiin uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle oo uu kamid yahay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali guudlaawe Xuseen oo la filayay in uu shalay tago Magaalada Beledweyne ayaa uga baaqsaday kacdoonka jira, waxaana socda wada-hadallo lagu doonayo in lagu dhameeyo xiisadda.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Deni Oo Magacaabis Sameeyay Iyo Xilka Uu Magacaabay

Bnnstaff Bnnstaff

Soomaaliya Oo Ka Mid Noqotay Dalalka Afrika Ee Saamaynta Dhaqaale Uu Ku Yeeshay Dagaalka Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

Xafaar Mudo 30 Sano Ka Shaqaynayay Xabaalaha Hargeysa Oo Ka Warbixiyay Mucjisooyin Uu Kala Kulmay Xabaalaha

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More