Alshabaab Oo Weerar Ay Ku Qaaday Deegaanka Camaara Ee Gobolka Mudug

Dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka Milateriga qeybta 21-aad, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa uu arroornimadii hore ee saakay uu ka dhacay Magaalada Camaara ee Gobolka Mudug.

Dagaalkaan ayaa markii hore ka bilowday, kadib markii Al-shabaab weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ku qaadeen Saldhig Ciidamada huwanta ku leeyihiin gudaha Camaara, sidaasina uu ku dhacay dagaal muddo ku dhow saacad socday .

Al-shabaab ayaa weerarka iyo dagaalka kadib u suura-gashay inay la wareegaan gacanta ku heynta Magaalada Camaara, waxaana la sheegay in halkaas ay isaga baxeen Ciidankii dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug oo ku sugnaa degaanka.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay inay qabsadeen 14 gaari oo 12 kamida ah yihiin Tikniko, halka 2-da kale ay yihiin BG xamuul ah iyo booyad, kuwaasi oo yaalla gudaha Saldhiga weerarka lagu qaaday.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii uga yimid Al-shabaab ee lagu qaaday Saldhig Ciidamada huwanta ay ku leeyiin Camaara, ayna khasaaro gaarsiiyeen Shabaabka, waa sida hadalka loo dhigay.

Horraantii bishan ayay ciidmada dowladda iyo kuwa Galmudug la wareegeen magaalada Camaara oo in muddo ah ay joogeen Al-sbabaab, waxaana howlgallo wadajir ah oo ay fuliyeen Galmudug iyo dowladda Soomaaliya ay Al-shabaab uga xoreeyeen degmooyin ay ku jirto Bacaadweyn, magaalooyin iyo tuulooyin dhowr ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maareeyaha Haayada Wadooyinka Somaliland Oo Ka Hadlay Ahmiyad Ay Wadooyinku Leeyihiin

Bnnstaff Bnnstaff

Qaban Qaabada Aaska Marxuun Cali Khiliif Galaydh Oo Ka Socota Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladaha Imaaraadka Carabta Iyo Shiinaha Oo Taageero La Garab Istaagay Dowlada Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More