Diyaaradaha Dagaalka Masar Iyo Faransiiska Oo Dhoolatus Wadajir Ah Sameeyay

Diyaaradaha Dagaalka dowladaha Masar iyo Faransiiska ayaa si wadajir ah u sameeyay dhoolo tus ay kusoo bandhigayeen awoodooda, waxayna diyaaradahan hawada sare ku sameeyeen dhoolo tusyo cajiib ah oo ay ku jirtay howl shidaal siin ah.

Dhoolo tuskan ay sameeyeen ciidamada cirka Masar iyo kuwa Faransiiska ayaa waxaa ka qeyb qaatay Diyaaradaha Dagaalka noocyadii ugu danbeeyay oo kala ah Mirage 2000, Rafale iyo F-16.

Afhayeenka Milliteriga ee dalka Masar ayaa sheegay in dhoolo tuskan yimid iyadoo la raacayo Jadwalka Shaqo ee lagu xoojinayo Iskaashiga Milliteriga ee u dhaxeeya dowladaha Masar iyo Faransiiska.

Dowlada Masar ayaa mudooyinkii dambe waday dhoolo tusyo ay kusoo bandhigeyso awoodeeda, waxa ayna dhoolo tusyadan imaanayaan xili Masar uu khilaaf ka taaganyahay buuxinta biyo xireenka Wabiga Niil ee kala dhaxeeyo dowlada Itoobiya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xildhibaan Jaray Oo Dhaliilo Culus U Jeediyay Maayirka Magaalada Dilla Kana Warbixiyay Xaalada Deegaanadii Laga Doortay

Bnnstaff Bnnstaff

Taliska Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Oo Ka Warbixiyay Hawlgalo Ka Socda Gobolka Hiiran Iyo Shabeelaha Hose

Bnnstaff Bnnstaff

Alle Haw Naxariistee Ismaaciil Huree Buubaa Oo Maanta Laga Aasay Magaalada Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More