Goobaha Ganacsiga Ee Magaalada Gaanacyo Oo Xidhan Iyo Sababta Keentay Xidhnaashiyahaasi

Inta badan goobaha Ganacsiga iyo kuwa Waxbarashada ee ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhanka Galmudug ayaa Maanta oo Arbaco ah xiran, waxaana faah faahin laga helayaa sababta keentay xirnaashaha.

Laamaha amniga Gaalkacyo ayaa xalay soo saaray amar ku socda Ganacsatada oo lagu faray inay xiraan goobaha Ganacsiga Magaalada, isla markaana Ganacsatada ka qeyb qaatan banaanbax ka dhacaya halkaas.
Abaabulka banaanbax lagu taageerayo howlgalka ka dhan ah Al-shabaab ee Ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Galmudug ka wadaan Mudug ayaa ka socda Gaalkacyo, kaasi oo ka qeyb geli doonaan dadka deegaanka.

Sawirro lasoo qaaday ayaa muujiyay in dadka deegaanka qaarkood ay sii tagayaan goob loo Asteeyay inuu ka dhaco banaanbaxa lagu taageerayo howlgalka Ciidamada, isla markaana looga horjeedo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Mudug ka dhacaayay dagaalo iyo duqeymo diyaaradeed, waxaana xusid mudan in Shabaabka lala wareegay degaano ay uga sugnaayeen Gobolka, halka dhankooda ay qabsadeen degaano, kadib dagaalo dhacay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

AFRICOM Oo Sheegtay Inuu Hoos U Dhacay Khasaaraha Shacabka Kasoo Gaari Jiray Duqeymaha Ay Ka Fuliyaan Somalia

Maraykanka Oo Xidhay Suuq ka Shaqeeya Kala Wareejinta Lacagaha Internetka

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaal Siyaasadeed Xukuumada Iyo Isbahaysiga Mucaaridka Somaliland Oo Meel Xasaasiya Maraya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More