Madaxwayne Farmaajo Oo Dhambaal U Diray Madaxwaynaha Cusub Ee Dalka Zambia

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee dhowaan la doortay ee dalka Saambiya Hichilema.

Madaxweyne Farmaajo oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu
Madaxweyne Hichilema ugu hambalyeeyay guushii uu ka gaaray doorashadii uu kusoo baxay iyo caleemo-saarkiisa.
Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiggiisa Saambiya ka rajeeyay inuu sii xoojin doono xiriirka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Saambiya ee ku saleysan iskaashiga.

“Hambalyo Mudane Madaxweyne Hichilema iyo dadka waaweyn ee Zambia kadib guushii caleema saarkaaga iyo guushii doorashada taariikhiga ah. Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda iyo shacabka Soomaaliya, waxaan rajeyneynaa inaan sii xoojinno saaxiibtinimadeenna waxaana naloo xaqiijin doonaa taageerada & iskaashiga” ayuu yiri Farmaajo oo boggaadiyey shacabka Zambia.

Si kastaba Madaxweynaha cusub ee Saambiya Hakainde Hichilema ayaa ahaa hoggaamiyaha Mucaaradka dalkaas, isagoo tartanka Doorashada kaga guulaystay xusbi xaakimkii hore talada u hayey.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Baaq U Diray Ganacsatada Soomaaliyeed Ee Dalka Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

TPLF Oo Rajeyneyso In Kenya Ay Soo Kala Dhexgasho Iyaga Iyo Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Barlamaanka Maamulka Puntland Oo Shaaciyay Cidda Hor-Taagan Fulinta Heshiiskii Shirkada DP WORLD

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More