Ciidamo ka tirsan taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid waxaa ay kusoo gacanta kusoo dhigeen Afar Dhalinyaro Burcad ah, kuwaas oo xilliyada habeenkii dadka dhici jiray.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir Axmed Cabdullaahi Cariif ayaa sheegay in Maamulka degmada iyo Ciidamada Booliska oo iskaashanaya ay qabteen ragga Burcadda ah oo uu sheegay in dadka ay ku dhici jireen Bustoolad Caag ah.
Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga degmada Yaaqshiid ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in ragga Burcadda ah ay ahaayeen kuwo dhibaato ku hayay Shacabka degmada, isla markaana ay ku wareejin doonaan Hay’adaha garsoorka dalka si loo Maxkamadeeyo.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa dadka kunool degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaa ay ka cabanayeen Koox Burcad ah oo dhac u geeysanayay, iyada oo dhowr jeer howlgallo laga sameeyay degmooyinka Yaaashiid iyo Kaaraan lagu soo qabtay rag Burcad ah.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com