Iraan Oo War Ka Soo Saartay Colaada Ka Dhaxaysa Dalalka Armenia Iyo Azerbijaan

Iiraan ayaa ka digtay in dagaalka soo cusboonaaday ee u dhaxeeya dalalka ay deriska yihiin ee Azerbaijan iyo Armenia uu sababi karo dagaal ballaaran oo gobolka ka dhaca.

Madaxweyne Hassan Rouhani ayaa sheegay inuu rajeynayo in xasilooni uu ku soo dabaalo gobolka kaddib maalmo uu ka socdo dagaal culus oo ka bilowday gobolka Nagorno-Karabakh.

Gobolkan wuxuu rasmi ahaan qeyb ka yahay Azerbaijan balse waxaa ka taliya dad isir ahaan ka soo jeeda Armenia.

Dagaalka haatan socdan waa kii ugu xumaa muddo tobnaan sano ah, labada dhinac ayaana midba kan kale ku eedeeyay inuu isagu bilaabay.

Madaxweyne Rouhani ayaa sidoo kale sheegay inaan la aqbali karin madaafiic habow ah oo ku soo dhaca ciidda Iiraan.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aaday xilli ay soo baxeen warar sheegaya in madaafiic ay ku dhaceen xaafado ku yaalla xadka waqooyi ee ay Iiraan la leedahay Armenia iyo Azerbaijan.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maxay Tahay Sababta Loo Mamnuucay Sii Deynta Wareysi Laga Qaaday Imran Khan?

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Ucid Oo Si Adag Uga Hadlay Qiimaha Maciishada Oo Sii Qaaliyoobaya Baaq Culusna Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Maanta Garoowe Ka Furay Shir Lagaga Hadlayo Isbedelka Cimilada

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More