Maxkamadda Gobolka Mudug Oo Dil Toogasho Ku Xukuntay Eedeysane Dil Loo Heystay

Maxkamadda Gobolka Mudug ayaa soo gaban-gabeysay fadhiyo dhowr ah oo ay ku dhageysatey dacwad ciqaabeed dil ah oo loo heysto eedeysane Cabdikariin Muxyadiin Cali oo Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Galmudug uu kusoo eedeeyay dil xili habeen ah 06/10/2020 loogu geystay deegaanka saddax-Higlo oo Gaalkacyo hoostaga Alle ha u naxariistee Marxuum Nuur yare Guuleed Cawaale.

Xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug Cabdicasiis Nuur Xuseen oo cuskanaya xaanshi qiraal ah oo eedeysanaha laga qoray iyo cadaymo kale oo laga soo uruuriyey goobta falku ka dhacey ayaa garsoorka ka dalbadey in eedeysanaha la mariyo ciqaab adag..

Dhanka kale Abuukaate Xalane oo difaacayay eedeysanaha ayaa ku dooday in inay is burinayaan qodobada eedda ee xafiiska xeer ilaalinta iyo qaabka falku u dhacey.

Cabdiraaq Cali Yuusuf, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Mudug oo dhageysiga dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenada difaacayay eedeysanaha kadib, ku dhawaaqey xukunka Maxkamadda ayaa cadeeyay in Cabdikariin Muxyadiin Cali yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogey, isla markaana lagu xukumey dil toogasho ah oo noqonaya qisaasta Marxuum Nuur yare Guuleed Cawaale.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni Oo Ka Jawaabay Eedaymo Ka Soo Yeedhay Dhigiisa Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

”Shidaalka Soomaalilaand Labanlaab Waxa Ka Jaban Jigjiga Oo Bilaa Bad Ah! Xisbiga Ucid

Bnnstaff Bnnstaff

Shil Tariin Oo Ka Dhacay Bariga Jasiirada Taiwan Iyo Tirada Dad Ku Dhintay Shilkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More