Borama News Network

Israaiil oo Duqayn ku dishay ugu yaraan 24 ruux oo Carruur u badan

Ciidamada Israaiil ayaa weli sii wada duqaynta xooggan ay ku garaacayaan goobaha Dadka rayidka ah ee Magaalada Gaza waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo khasaara horleh oo gaaray Shacab ku sugan meelaha ay gabbaadsanayaan.

Wasaaradda Caafimaadka ee maamulka Magaalada Gaza gacanta ku haya ayaa sheegtay in ugu yaraan 24 ruux oo u badan Carruur ay naftooda ku waayeen duqayntaas ciidamada Yuhuudda ah ay ku beegsadeen Dadkaas rayidka ah.

Qoysaska duqayntu waxyeellada kasoo gaartay ayaa sheegay in markii hore isaga soo baxeen guryahooda oo weerarro aan dhammaad lahayn ay ku beegsadeen ciidamada Israaiil ee kaashanaya Dalalka hubka iyo agabka kale ku garabtaagan.

Goobaha Caafimaadka, Guryaha kooban ee ka badbaaday duqaynta xooggan ee Israaiil, meelaha waxbarashada ee gacanta ku hayaan Hay’adaha Hoostaga Qaramada Midoobay & Xeryaha dadka barakacayaasha degen yihiin waa meelah ugu badan ee weerarrada ay ku beegsanayaan ciidamada Yuhuudda.

Israaiil ayaa ka meermeeraysa heshiis xabbad-joojin ah oo ay la gasho Xamaas si loosoo afjaro dagaalka tooska ah ee xooggiisa soo billowday 7dii Oktoobar 2023 inkasta oo saraakiil iyo askar badan dagaalladaas looga dilay Yuhuudda.

Related posts

Militariga Suudaan oo sheegay in RSF uu ka qabsaday goobihii ugu dambeeyay ee Khartuum ka joogay

Abdiaziz Bnnstaff

“Waxad ciidamada kale kala mid noqon doontaan Mushahar Kordhinta iyo…”Madaxweyne Cirro

Abdiaziz Bnnstaff

Qarax Xoogan Oo Caawa Ka Dhacay Xeebta Liido Ee Magaalada Muqdisho Iyo Dhimasho Iyo Dhaawac Badan Oo La Soo Sheegayo

Abdiaziz Bnnstaff