Gantaalo Lala Beegsaday Saldhigga Ciidamada Mareykanka Ee Xadka Dalka Ciraaq

Saddex gantaal ayaa lala beegsaday saldhig milateri oo Maraykanku ku leeyahay meel u dhow isgoyska Jerishan ee ku yaal xadka Ciraaq iyo Kuwait, sida uu sarkaal boolis ah u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Wuxuu sheegay in laba gantaal ay ku dhaceen agagaarka saldhigga, halka kan saddexaadna uu ku dhacay dhinaca Kuwait ee xadka.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, gantaalka dhanka kalane ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta Ciraaq iyo ciidamada Mareykanka ee dalkaas ayaan weli ka hadlin dhacdadan wax khaasare ah oo ka soo gaaray.

Bilihii la soo dhaafay, saldhigyada milateri ee ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka ee Ciraaq ayaa lala beegsaday weerarro gantaal waxayna Washington inta badan ku eedeysay kooxaha hubeysan ee taabacsan Iran in ay mas’uul ka yihiin.

Xoogagga siyaasadeed ee Ciraaq ayaa ku baaqay in ciidamada Mareykanka laga saaro waddanka, iyada oo la raacayo go’aan baarlamaan oo soo baxay Janaayo 5, 2020-kii.

Weerarkii ugu dambeeyay ayaa shalau yimid, inkasta oo Baqdaad iyo Washington ay ku heshiiyeen 26 -kii July in ciidamada dagaalka Mareykanka laga saaro Ciraaq dhammaadka sanadkan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ergooyinka Ka Socda Midawga Africa Oo Loo Diiday In Ay Booqdaan Gobolka Tigrayga

Bnnstaff Bnnstaff

Nin Masaari Ah Oo Caasho Badhi Tiro Badan Kala Dhoofayay Hargeysa Oo La Qabtay

Bnnstaff Bnnstaff

Xarumahii Warbaahinta Ee Dalka Afghanistan Oo Xidhmay Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More