Xayawaano Ka Yaabsaday Dadka Ku Nool Caasimada Australia

Labo deero ayaa ka yaabiyay shacabka ku nool caasimadda Australia ee Sydney kaddib markii lagu arkay iyaga oo dhex socda waddooyinka ku yaalla halkaas.

Shacabka waxay waceen booliska si ay ugu wargeliyaan deerada, dhacdadaas oo ah mid aan inta badan ka dhicin deegaankan.

Waxaa suurogashay in la qabto mid ka mid ah deeradii halka midda kalena lagu raad joogo illaa iyo weli.

Khubaradu waxay sheegayaan in aan la ogeyn in deeradan ay ka timid dhulka keymaha ah ee ku yaalla Australia ama in kale.

Deerada waxay inta badan daaqdaa dhulka keymaha ee ku yaalla Australia, waxaana qarnigii 19-aad lagu ogaa Yurub.

Ha’yadda samafalka ee qaabilsan ilaalinta duur joogta Austaralia ee RSPCA iyo booliska gobolka New South Wales waxay sheegeen in deeradan la arkay iyago hadba dhinac u dhex ordaysa waddooyinka duleedka deegaanada Annandale, Leichhardt iyo Balmain.

Shacabka dalkaas ayaa si weyn arrintani uga hadal hayay baraha bulshada.

Deero dil iyo dhaawac u geysatay qoys xannaaneysanayay

Boolis howlgal ku raadinayay tuug oo ay ku dhacday arrin layaab leh

Lo’ gadaal looga sawiray indho si libaaxyada looga reebo

Mid kamid ah xayaawannadan ayaa gacanta lagu dhigay kaddib la suuxiyay, waxay dhakhaatiirta qiimeynayaan xaaladdiisa caafimaad.

Afhayeen u hadlay ha’yadda RSPCA oo la yiraahdo Kieran Watsons ayaa BBC-da u sheegay in aysan ka war heyn halka ay ka yimaadeen labadan deero ee jahwareerka ka dhaliyay halkaas.

“Ma garan karno in keymaha ay ka yimaadeen isla markaana magaalada ay kusoo dhex habaabeen, umana suurogelin inay daaq ay ka helaan halkaas ama in qof uu ku xanaaneysanayay meelo aaggan ka dhaw”

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii shacabka Sydney uu argagax geliyay saddex daanyeer oo lagu arkay waddooyinka magaalada.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasaarada Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada Somaliland Oo Midaysay Mareegaha Internate-ka Ee Xukuumada Muuse Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

Qarax Ka Dhacay Dalka Afghanistan Iyo Dad Gaadhaya Shan Qof Oo Ku Dhintay

Bnnstaff Bnnstaff

Murashax Xasan Cali Khyre Oo Kulan La Qaaatay Xildhibaanada Somalida Ee Ku Jira Baarlamaanka Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More