Ciidamada Ammaanka Ee Magaalada Muqdisho Oo Toogtay Nin Hubeysnaa

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay xaafadda Cali-turcaaye ee degmada Yaaqshiid ku toogtay nin ku hubeysnaa bambaanooyin iyo qori AK-47 ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska ee ka howlgala degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in ninkaan oo aad u hubeysanaa ay ciidamadu toogteen xilli howlgal roondo ah ay xaafadaas ku dhex-marayeen ciidamada.

Waxaa ay sidoo kale saraakiishu sheegeen in Ninkaan uu isku dayay in uu weeraro Ciidamada kala duwan ee dowladda, kuwaas oo xilliyada habeenkii wada howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Tan iyo markii degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ay kusoo bateen dhaca loo geysanayo dadka Shacabka ayaa Ciidamada ammaanka xilliyada habeenkii waxaa ay sameeynayeen howlgallo amni xaqiijin ah oo ay ku sugayaan Nabadgelyada, waxaana Saraakiisha booliska ay tilmaameen inay joogteeynayaan howlgallada ammaanka lagu sugayo.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Mareykanka Oo Cunaqabateyn Saaray Shaqsiyaad Soomaali Ah Oo Lagu Eedeeyay Inay Xiriir la leeyihiin Daacish

Bnnstaff Bnnstaff

Daawo: Waxa Kala Qabsaday Muuse Biixi Hogaamiye Xirsi Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Isku Jawaabay

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiyada Mucaaradka Oo Ka Warbixiyey Xaaladdihii Mudaharaadka Iyo Dadkii Lagu Xidhay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More