Howlgal ay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ka sameeyeen Ciidanka Booliiska Puntland, ayaa waxaa ay ku qabteen gaari la soo xaday iyo Raggii watay.
Gaariga oo laga soo xaday degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa waxaa sidoo kale Ciidamadu gacanta ku dhigeen raggii soo xaday, sida lagu sheegay War kasoo baxay Taliska qeybta Booliska Gobolka Mudug.
Sidoo kale Taliska Booliska Gobolka Mudug oo soo bandhigay Sawirka Gaariga ayaa sheegay inay heegan ugu jiraan in ay marwalba ka jawabaan baahida iyo dambiyada abaabulan iska markaana ay ku howlgalaan si degdeg ah.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com