Soomaaliland ayaa sheegatay in ilaa iyo haatan aysan jiriin meel ay ku gashay heshiis gudaha Soomaliland lagu keenayo dadka ka soo baxsanaya dalka Afghaanistaan.
Waxaana arrintan ay imaanaaysaa xili ay jiraan warar sheegaya in ay socdaan wadahadallo Somaliland lagu keenayo qaxooti reer Afqaanistaan ah.
Jimicihii ayaa ay ahayd markii warbaahintii AFP baahisay war ay ku sheegaysay in Somaliland ay oggolaatay “mabda’a ahaan” in ay qaabisho qaxootiga ka imanaya Afgaanistaan.
Waxaana ay sheegeen in ay ka soo xigteen sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda , iyada oo tobanaan kun oo qof ay si aad ah uga qaxayaan waddanka ay dagaalladu halakeeyeen ka dib markii ay Taliban qabsadeen horaantii bishan.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in wadahadal u furmay Somaliland iyo dawladda Maraykanka.
“Wararkaa lagaga hadlayo qaxooti Afghanistan ee Somaliland imanaya, weli dawladda somalaildn si cad uma hayso. Wararkaa la isla dhex marayaana caddayn ma jirto, waxaannuna halkan ku caddaynaynaa in aannaan illaa iyo hadda wakhtigan aannaan cid siin qaxooti” ayuu BBC-da u sheegay wasiirka warfaafinta eee Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali koore.
Laakiin dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in haddii loo soo bandhigo ay ahaan doonto mid marta meelihii loogu talo galay sida waaxaha diblomaasiyadda.
“Waayaha iyo wakhtigu hadduu keeno, goobteeda iyo meesheeda ayaa lagaga hadli doonaa”
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com