Haweenay Toogatay Ninkeedii Oo Gacanta Lagu Soo DhigaY

Booliska caasimadda dalka Yemen ee Sanca ayaa waxay gacanta ku dhigeen Haweeney la sheegay inay dishay Saygeeda, sababo la xiriiray Khilaaf qoyska dhexdiisa.

Ilo-wareed la tirsan Saldhiga Booliska ee Al-siyaaqi ee Degmadda Sabciin ee magaalladda Sanca ayaa sheegay in Haweeney lagu magacaabo Maciidah C/waaxid Maxamed Al-siyaadi oo 30-jir ay dishay Saygeeda oo lagu magacaabi jirey Waliid Al-samiiri oo 36-jir ahaa.

Haweeneyda waxay dilkiisa u adeegsatay Qori AK-47.

Booliska Kooxda Xuutiyiinta ee gacanta ku haya caasimadii Yemen ee Sanca ayaa baaraya waxa sababay dilkaasi, iyadoo aad loo hadal-hayo inuu ka dhashay Khilaaf dhanka Qoyska.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qarax Ay Ku Dhinteen Dad Gaadhay 50 Qof Oo Ka Dhacay Afghanistan

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirada Somaliya Oo 20% Laga Jarayo Mishaaraadkooda Si Loogu Caawiyo Dadka Ay Abaartu Saamaysay

Bnnstaff Bnnstaff

Cabdirashiid Janan Oo Shaaciyay In Uu La Heshiiyay Dowlada Somaliya Kuna Soo Waajahan Yahay Baladxaawo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More