Ciidanka Maraykanka Oo Sheegay In Ay Ka Hortegeen Weerar Kale Oo Ismiidaamin Ah

Weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku ku qaadeen caasimadda Afghaanistaan ee Kabul, ayaa ka hortagay weerar kale oo ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha, sida ay sheegeen saraakiisha militariga Mareykanka.

Weerarka ayaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ugu yaraan hal qof oo xiriir la leh urur goboleedka Islaamiga ah ee Afghanistan, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka.

Mareykanka ayaa ka digay suurtagalnimada weeraro kale, maadaama daadgureynta dadka ay sii dhammaaneyso.

Weerar bambaano ah oo Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul, ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 170 qof oo ay ku jiraan 13 askari oo Mareykan ah.

Ururka la baxay Dowladda Islaamka Khorasan (IS-K), ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Mareykanka Oo Markale Baaq La Xiriira Doorashada u Diray Madaxda Soomaalida

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadalkii Ka Soo Yeeshay Midawga Murashaxiinta Mucaaridka

Bnnstaff Bnnstaff

Faysal Cali Waraabe Iyo Shaaciyay In Kulmiye Uu Mucaarid Isku Noqday Iyo Wasiir Hinda Gaani Oo Gabaha La Dulmartay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More