Afar Iyo Toban Qof Oo Lagu Dilay Rabshado Ka Dhacay Galbeedka Itoobiya

Afar iyo toban qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerarro hor leh oo ka dhacay gobolka galbeedka Itoobiya ku yaalla ee Benishangul-Gumuz, sida ay sheegeen maamulka gobolka.

Afar qof oo la sheegay inay weerarka fuliyeen ayaa sidoo kale la dilay.

Waa weerarkii saddexaad ee loo geysto dad shacab ah tan iyo bishii September iyadoo isku dhacyada isirka ku saleysan ee ka dhaca dalkaas ay caqabado ku yihiin dowladda.

Rabshado ayaa weli ka taagan gobolkaas inkastoo saldhigyo booliis laga sameeyay, kaddib labo weerar oo hore oo ka dhacay kuwaasoo ay ku dhinteen dad dhowr ah oo ka soo kala jeeda qowmiyadaha Amxaarada iyo Agew.

In ka badan 40 saraakiil oo dowladda ka tirsanaa ayaa xilka laga qaaday markaas, halka 15 kalena lagu hayo baaritaan ku saabsan dayacaad amaba inay qeyb ka ahaayeen rabshadaha.

Maamulka gobolka Benishangul-Gumuz ayaa sheegay in mid ka mid ah dadkii weerarka ku dhintay uu ahaa ajnabi, balse lama shaacin dalka uu ka soo jeedo.

Sanad kaddib markii uu ku guuleystyay abaalmarinta Nobel Peace Prize, maamulka Ra`iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa weli wajahaya caqabado la xiriira rabshadaha ku saleysan isirka, gaar ahaan kuwii bilihii la soo dhaafay ka dhacayay galbeedka dalkaas.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Faah Faahin: Mas’uul Ka Tirsanaa Maamulka Puntland Oo Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

Bnnstaff Bnnstaff

Mucaaradku Yaanay Tukan Salaad Aan Wakhtigeeda Joogin Xukuumaduna…Suldaan cali Maxamed

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Magaalada Muqdisho Oo Ka Aragti Dhiibtay Shirka Uu Ku Baaqay Madaxwayne Farmaajo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More