Soomaali dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Dalka Canada Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Rag hubeysan ayaa Gudaha Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa ay dil iyo dhaawac ugu geysteen Soomaali kamid ah dadka qaxooti ahaan ku tegay dalkaasi Canada.

Ragga hubeysan oo watay Gaari sida la sheegay ayaa rasaas waxaa ay ku fureen goob ay ku sugnaayeen Dhalinyaro Soomaali ah, waxaana Saddex ruux oo dadkaasi kamid ahaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, hayeeshee mid kamid ah oo lagu magacaabi jiray Sahal Maxamed Sahal uu geeriyooday, halka labada kale oo Dumar ah dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Magaalada Toronto.

Aabaha Sahal Maxamed ayaa sheegay in uusan ogeyn cadaw gaar ah oo uu lahaa Wiilkiisa, balse waqtigiisa uu intaasi ku ekaa, isla markaana lagu Aasay Khabuuro ku yaal Magaalada Toronto ee dalka Canads.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in laamaha Amniga ee Magaalada Toronto ay wadaan baaritaano la xiriira dilka Wiilkiisa, hayeeshee aysan jirin ilaa iyo hadda xiriir ay la soo sameeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Canada.

Dalka Canada ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka sida joogtada ah loogu dilo Soomaalida, waxaana badanaa la sheegaa in Soomaalida dhexdooda ay is dilaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Lamaane Aroos Ahaa Oo Ku Geeriyooday Weerarkii Shalay Ka Dhacay Weerarkii Hotel Afrik

Bnnstaff Bnnstaff

Khilaafka Kenya Iyo Somaliya Oo Waji Cusub Yeeshay Iyo Somaliya Oo Dacwad Ka Gudbisay Kenya

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Gaashaan Dhiga Turkiga Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sobobihii Keenay Guuldaradii Reer Galbeedka Ee Afghanistan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More