Hooyada Ikraan Tahliil Oo Sheegtay In Gabadheeda Ay Ku Maqan Tahay Gacanta NISA

Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyada dhashay Ikraam Tahliil Faarax, ayaa gaashaanka u daruurtay in gabadheeda ay dileen ururka Al-Shabaab.

Warka dilka Ikraan oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay warbaahinta dowladda, kaas oo tilmaamay in ururka Shabaab ay afduubteen gabadhaas kaddibna ay dileen, iyadoo aanan lagu darin wax faafaahin ah oo intaasi dheer.

Hayeeshee hooyo Qaali ayaa sheegtay in hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ay “ku raadgudanayso warkaas, iyagana ay mas’uul ka yihiin gabadheeda la la’yahay.

Waxa ay ku adkaysanaysaa in illaa hadda uusan jirin war cad oo qeexaya xaalka gabadheeda geeri iyo nolol toona.

Xalay fiidkii ayay aheyd markii Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ee NISA ay sheegtay in Ikraan Tahliil ay afduubteen Al-Shabaab, isla markaan ay dileen.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxweyne Bartiisa Facebook Laga Xiray Kadib Markii Uu Sheegay In Daawo Dhaqameed Lagu Daaweyn Karo Coronavirus

Bnnstaff Bnnstaff

Ex Madaxwayne Sheekh Shariif Oo Beeniyay In Uu Ka Tanaasulay Tartanka Madaxtinimad Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Puntland Oo Madaxwayne Xasan Sheekh Ku Eedaysay Dagaal Beeleedyada Ka Socda Gobolka Mudug

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More