Cajiib! Laamaha Amaanka Somaliya Oo Gacanta Ku Dhigay Shakhsiyaad Ka Ganacsanayay Hilibka Waraabaha

Laamaha Amniga Degmada Qoryooleey oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa howlgal ay sameeyeen ay gacanta ku dhigeen Shaqsiyaad Hilibka Waraabaha ku dhex iibinayay Gudaha Suuqa degmadaas si qarsoodi ah, iyaga oo ku dhex qariyay Hilbka Xoolaha.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ammaanka degmada Qoryooleey ayaa soo bandhigay Hilibka Waraabaha iyo Shaqsigii ka Ganacsanayay oo kamid ah dadka kunool degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Amniga degmada Qoryooleey Ibraahim Hadaafow ayaa sheegay in Waraabaha banaanka Magaalada lagu soo walay, kadibna la soo geliyay Gudaha Magaalada, hayeeshee Ciidamada Ammaanka oo heegan kujiray ay Hilibka kasoo qabteen Kawaanka degmada Qoryooleey oo lagu iibinayay.

Guddoomiyaha degmada Qoryooleey Sayid Cali Ibraahim Xasan ayaa Ciidamada Ammaanka ku bogaadiyay sida ay mar waliba ugu jiraan ilaalinta amniga iyo badqabka Shacabka, waxaana uu Shacabka ka dalbaday inay la Shaqeeyaan Cijdamada Amniga.

Dadweynaha kunool degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay aad u hadal haayay Hilibka Waraabaha oo lagu iibinayay Kawaanka degmada, iyaga oo shaki weyn muujiyay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Ka Sameeyay Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Banaadir

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Farmaajo oo ka codsaday Golaha Shacabka Ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Muujiyay Inuu Difaacayo Jasiirada Taiwan Xili Shiinuhu Hawlgalo Ka Fulinayo Jasiiradaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More