Borama News Network

Xukuumadda Netanyahu oo Ciidanka Israaiil ku qasbaysa dib ugu laabashada goobaha ay isaga-baxeen

Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Israaiil ayaa cadaadis xooggan waxa ay saaraysaa ciidamada Yuhuudda si ay dib ugu laabtaan xaafado katirsan Magaalada Gaza oo si tartiib-tartiib ah dib uga gurteen todobaadyadii lasoo dhaafay.

Ciidamadaan Israaiil ayaa sababta ay isaga baxeen difaacyadaas ayaa lagu sheegay in khasaaraha uu ku kordhay iyaga oo ku dooday in godad ka dambeeya dhufeesyadooda ay uga soo baxayaan dagaalamayaasha Xamaas.

Ciidankii gaarka u tababarnaa ee Kumaandooska Israaiil ayaa horay isaga baxay goobo kala duwan oo Magaalada Gaza katirsan waxaana ay halkaas ku waayeen saraakiil iyo askar dagaallada & qaraxyada ku dhintay.

Benjamin Netanyahu oo kaashanaya Wasiirro katirsan Yuhuudda mayalka adag ayaa saraakiisha ciidamada ku cadaadinaya in ay dib ugu laabtaan xaafadaha qaar oo ay horay isaga baxeen kaddib culays xooggan oo uga yimid dagaalladaas socda.

Ciidamadu waxa ay diidan yihiin in ay dib ugu laabtaan goobihii ay ka baxeen ee dagaallada culus ay ku galeen, waxaana uu xaalka kusii xumaaday kolkii laga gubay Gawaari dagaal oo ah kuwa casriga ah ee lacagaha badan kasoo bixisay Israaiil.

Maraykanka ayaa Israaiil markale uga digay in dagaal dhulka ah ku galeen xaafadaha qaar ee Magaalada Gaza haddii Xukuumadda Netanyahu ay ka dhega-furaysatana ay la kulmi doonno dhibaatooyin culus maadaama uu haysto khibrado uu ka dhaxlay duullaanka dalal kala duwan uu ku qaaday dalkaas.

Related posts

Wafti Culus Oo Ka Socda Dalka Ruuska Oo Ku Soo Waajahan Dalka Eritrea Iyo Ujeedada Socdaalka Waftigaasi

Abdiaziz Bnnstaff

100 qof oo ku dhimatay dalka Iran ka dib qaraxyo ka dhacay xaflad lagu xusayey geerida Soleimani

Abdiaziz Bnnstaff

Tigrayga Oo Diiday In Ay Wada Hadal Toos La Yeeshaan Dawladda Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff