Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo Soo Saaray Jadwalka Cusub Ee Doorashada

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxaa ay markale soo saareen jadwal Cusub oo la xiriira dhanka doorashooyinka Xubnaha ka haray Xildhibaannada Aqalka Sare iyo doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu iclaamiyay in doorashada golaha Aqalka Sare la qorsheeyey in lasoo gabagabeeyo 18-ka bishaan September.
Sidoo kale 25-ka bishaan in la guda gelayo diyaarinta iyo diiwaan gelinta guddiga soo xulaya ergooyinka iyo musharaxiinta xildhibaanada golaha shacabka.

1-da bisha October ayaa Guddigu sheegay inay bilaabaneyso doorashada xildhibaanada golaha shacabka, iyadoo lasoo gabagabeyn doono 20-ka bisha November.

Ugu dambeyntiina 25-ka November waxaa bilaabanaya shahaado bixinta xubinimada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa dhowr jeer waxaa ay soo saareen jadwal doorasho, kaas oo aan dhaqan gelin, waxaana weli jira caqabadihii dib u dhigay doorashooyinka dalka, kuwaas oo xal ka gaaristiisa ay ku howlan tahay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Related posts

Qaramada Midoobay Oo Dalbatay Lacago Dheeri Ah Oo Soomaaliya Lagu Taageero

Bnnstaff Bnnstaff

Dhacdo Naadir Ah Oo Ka Dhacday Suuqa Hargeysa Iyo Ganacsatada Oo Baaq u Diray Maayirka Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Badhasaabka Maroodijeex oo ka hadlay dhismaha Goobta nasashada ee Hargaysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More