Mas Halis Badan Oo Loo Malaynayay In Uu Darbar Go’ay Oo Soo Rogaal Celiyay Dad Badana Laayay

Qeybo kamid ah waqooy galbeed dalka Bangaladesh gaar ahaan deegaanno dhaca buuraha Padma waxaa dhibaata ku haya mas halis ah oo la yiraaahdo Russell’s viper.

Maskan ayaa maalmihii ugu dambeeyay qaniinay dad badan xilli uu cabsi ku reebay halkaas.

Russell’s Viper ayaa ah maska ugu halista badan Bangaladesh.

Dadka uu qaniinay maskan waxaa lagu arkay dhiig bax joogto ah, xinjirowga dhiigga, nabarro dhanka isha ah, qeybo kamid ah jirkooda oo qallalay iyo kilyaha oo shaqadooda gabay.

Waxaa loo maleeyay in maskan uu ka ciribtirmay Bagaladesh sanado ka hor balse waxaa jiray caddeymo muujinaya in 10 ilaa 12 sano uu soo ifbaxayay maskan.

Waxaa Bangaladesh ka socdaa baaritaano la xiriira waxa maskan kusoo celiyay dalkaas.

Ahsan Mansoor oo bare ka ah qeybta xanaanada xoolaha ee jaamadacadda Chittagong ayaa cilmi baaris ku sameeyay soo ifbixidda maska Russell’s Viper ee Bangaladesh iyo halista uu ku hayo banii’aadanka.
Daraasadda waxaa lagu wareystay 20 qof oo uu qaniinay maska Russell’s viper gudaha Bangaladesha intii u dhexeysay 2013 ilaa 2016, waxaana darasaadda lagu daabacay jornaal Asiatic Society ee kasoo baxa Bangaladesh.

Waxaana la ogaaday in maskan uu ku nool yahay 16 kamid ah degmooyinka Bangaladesh, sida ku xusan daraasadda maska wuxuu ku nool yahay waqooyiga iyo waqooy galbeed dalkaas.

Daraasadda waxay sidoo kale sheegtay in maskan uu ku nool yahay degmooyinka Rajshahi iyo Chapainawabganj.

Khuburrada waxay ka cabsi qabaan in maskan halista ah lagu arki qeybo kamid ah adduunka kale.

Sababaha uu maskan ugu soo batay Bangaladesh waxaa kamid ah dhulka beereedka badan ee ku baahayo halkaas, sida uu sheegay Farid Ahsan oo la hadlayay BBC qeybta la hadasha Bangladesh.

“Jiirka badan iyo dhul beereedka ballaaran- waana cuntada ugu badan uu ku tiirsan yahay maskan”
Maskan wuxuu ku nool yahay dhulka dhirta leh iyo beeraha halkaas oo ay halis ugu jiraan dadka beeraleyda ah in uu waxyeello beeraleyda.

Marka uu roobka da’o, wuxuu maskan kusoo galaa Bangaladesh isaga oo soo raaco webiyada Hindiy, sida laga soo xigtay Ahsan.

“Ilaa iyo hadda inta badan maskan wuxuu ku nool yahay dhulka buuraleyda ah ee Padma halkaas oo ay ku yaallaan biyo fariisiin ah”
Wuxuu intaa ku daray in Shan kamid ah masaska Russell lagu arkay waqooy galbeedka dalkaas sanadkii 2014, waxaana la sii daayay 2015.

Si kastaba, Profasoor Ahsan wuxuu rumeysan yahay in tiradaas masaska ah aysan ka qeyb qaadan in maska noocan ah uu ku baaho Bangaladesh.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Colaada Dalalka Ruushka Iyo Ukraine Duqaymo Culus Oo Ka Socda Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Hindiya Oo Warqad U Diray Dhiggiisa Dalka Pakistaan Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Imaaraadka Carabta Oo Ka Laabatay Dhexdhexaadintii Dowladaha Itoobiya Iyo Suudan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More