DEG DEG: Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda Oo Shaqadii Laga Joojiyay Loona Magacaabay Masuul Cusub.

War Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagaga joojay shaqadii Agaasimaha Hay’adda nabad sugida loona magacaabay masuul cusub 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxa uuna si kumeel-gaar ah ugu magacaabay Agaasimaha Guud ee NISA Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

<span;>Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray dhammaan Hay’adaha ay khuseeyso in ay si firfircoon ula shaqeeyaan Agaasimaha Kumeel-gaarka ah ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Sidoo kle, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faray Xeer Ilaalinta Qaranka in ay baaris dhammeystiran ku sameeyaan Kiiska Marxuum Ikraan Tahliil Faarax, si loo horkeeno arrinkan Maxkamad.

—DHAMMAAD—-

 

Related posts

Diyaar Galaw Dagaal Oo Ka Socda Dalka Liibiya Iyo Madaxwayne Erdogan Oo Tegaya Azerbijaan

Bnnstaff Bnnstaff

Imaaraadka Carabta Oo Dawlad Ku Meel Gaadh Ah Ugu Yeedhay Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Qoyska Madaxwaynihii Hore Ee Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More