Yuhuuda Oo Baadi Goob Xoogan Ugu Jirta Maxaabiistii Xabsiga Ka Baxsatay

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa bilaabay baadigoob xooggan kaddib markii lix maxbuus oo Falastiiniyiin ah ay habeenkii ka baxsadeen mid ka mid ah jeelasha sida wayn loo ilaaliyo.

Ragga ayaa la rumaysan yahay inay god ka qodeen qolkii ay uga jireen xabsiga Gilboa, kaddibna ay godka ka duseen oo dhanka kale kaga tallaabeen darbiga hoostiisa

Saraakiisha ayaa waxaa wargeliyay beeralay arkay raggaas oo bannaanka ordaya.

Raggan baxsadka ah ayaa waxaa ku jira hogaamiyihii hore ee maleeshiyada Shuhadada Al-Aqsa iyo shan xubnood oo ka tirsan ururka Islamic Jihad.

Sarkaal ka tirsan adeegga jeelasha ee Israa’iil ayaa baxsadkaas ku tilmaamay “guuldarro wayn oo dhanka ammaanka iyo sirdoonkaba ah.” Kooxaha Falastiiniyiinta ayaa dhankooda ku tilmaamay “halyeynimo”.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Madaxdhaqmeedka Waayayn Ee Hargeysa Oo Bayaan Ka Soo Saaray Maandooriyaha Baaqna Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Oo Soo Dhawayn U Sameeyay Gudiga Dabagalka Hantida Qaranka Ee Golaha Wakiilada

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Spain Oo Soo Xidhay eedeysanayaal la sheegay in Ay Cunsuriyad Kula Kaceen Vinicius Jr

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More