Fahad Yasiin Oo Xilkii Haayada Nisa Ku Wareejiyay Taliyihii Uu Xalay Farmaajo Magacaabay

Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ah ee Twitter-ka ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-suggida Qaranka ayaa lagu sheegay in taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin uu xilka ku wareejiyay Gaashaanle Sare Yaasiin Farey oo uu xalay magacaabay madaxweyne Farmaajo.

“Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud. Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday” ayaa lagu yiri Twitter-ka NISA.

Tallaabadan ayaa ah mid looga hortagayo isku dayga Ra’iisul Wasaaraha ee ku aadan in xilka uu kula wareego Agaasimaha Kumeel gaarka uu magacaabay Hey’adda NISA Sarreeye Guud Baahiir Goobe.

Warkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xalay qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Aqbalay is casilaad uu u soo gudbiyay Fahad Yaasiin, sidoo kalena uu  si kumeel gar ah Agaasimaha Hay’adda NISA ugu Magacaabay Yaasiin Fareey, balse uu kasoo horjeestay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Saddex Qarax Oo Ay Al-Shabaab Ka Fulisay Gobolka Hiiraan

Bnnstaff Bnnstaff

Beeraleydka Khaadka Kenya Ee Soomaaliya U Soo Dhoofin Jiray Oo Qorsho Cusub Bilaabay

Bnnstaff Bnnstaff

Kenya :- Xukunkii Ragii Loo Haystay Weerarkii Westgate Oo Dib Loo Dhigay Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More