Madaxwayne Farmaajo Oo Ka Soo Horjeestay Xilka Qaadista Wasiirka Amniga Somaliya

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kasta oo lagu sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ilaa ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka.

Madaxweynaha oo cuskanaya Qodobka 90aad, Xarafka (e) ee Dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.” ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn.

“Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shaqada laga doonayo haatan xukuumadda ay ahayd inay dhammeystirto doorashooyinka Goleyaasha Barlamaanka ee ka bilowday dalka, lagana sugayo sii joogtaynta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Qaabilay Wafti Ka Socda Midowga Yurub Iyo Dalka Uk

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Isku Afgartay In Laga Warsugo Go’aanka Maxkamada Sare

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaadanaya Axmed Madoobe Iyo Siciid Deni

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More