Afghanistan: Maxay Tahay Raaligelinta Uu Shacabkiisa U Jeediyay Madaxweynihii Hore?

Madaxweynihii hore ee dalka Afqaanistaan Ashraf Ghani ayaa dadweynaha dalkiisa u diray raaligelin ka dib markii bishii la soo dhaafay uu u baxsaday Imaaraadka Carabta.

“Inaan Kaabuul isaga carara waxay ii ahayd go’aankii iigu adkaa nolosheyda”, ayuu yiri isagoo intaa ku daray ,inuu ka xun yahay inay xaaladda sidaa ku dhammaatay.

Mr Ghani ayaa si deg deg ah uga baxay Kaabuul 15 Agoosto markii Taalibaanka ay soo galeen magaaladaasi.

Wuxu sheegay inaysan qorshaha ugu jirin inu dadkiisa iyo dalkiisa uu ka carara, balse taasi ay ahayd “waddada kaliga ah ee u furnayd.”

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Arbacadii ayuu ku sheegay inuu dalka isaga baxay si uu uga baaqsada dagaal sokeeye.

“Waxaan go’aansaday inaan isaga baxa daka ka dib markii ay sidaasi igula taliyeen ilaalada madaxtooyada oo ii sheegay in sii joogitaankeyga uu horseedi kara dagaal waddooyinka ka dhaca sidii dhacday xilligii dagaalkii sokeeye 1990”, ayuu qoray madaxweynaha oo sheegay inuu go’aankaasi u qaatay si uu u badbaaday Kaabuul iyo lixda milyan ee qof ee ku nool.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta ayaa mar sii hoorreysay soo saartay qoraal ay ku sheegeyso in Ghani ay siisay magangalyo bani’aadannimo, halka Ghani uu soo duubay muuqaal uu ku sheegayo inuusan dalka ka qixin balse uu ka baxsaday musiibo weyn.

“Waxaan hadda joogaa Imaaraatka si loo joojiyo dhiigga daadanaya iyo qaska,” Ghani ayaa sidaas yiri bishii la soo dhaafay.
Mr Ghani ayaa mar kale beeniyay eedeymaha sheegaya in markii uu baxsanayay uu la goostay $ 169 milyan oo doolar. Wuxuu ku tilmaamay eedeymahaasi kuwa aan sal iyo raad toona lahayn. Wuxuu sheegay in “lacag uu qaata iska daa ee ay ilaaladiisa u diideen inuu iska baddala dacaskii uu qabay ka hor inta uusan ka soo bixin madaxtooyada”.

Ururka Taalibaan ayaa isbuucan so dhisay dowlad aad loo sugayay. Mullah Maxamed Xasan Akhund ayauy kooxdu u magacowday inuu hoggaamiyo dowladdooda cusub ee ku -meelgaarka ah, ee Afghanistan, ku dhawaad ​​saddex toddobaad ka dib markii ay kooxdu la wareegtay talada dalka.

Mullah Akhund wuxuu ku jiraa diiwaanka cuna-qabataynta Qaramada Midoobay, wuxuuna ahaa muddo dheer, madaxa Golaha Awoodda badan ee Rehbari Shura ee Taalibaan.

Wuxuu horay u soo noqday wasiirka arrimaha dibedda, ka dibna ra’iisul wasaare ku xigeen ayuu noqday xilligii ugu dambeysay ee ay Talibaan xukumeysay Afghanistan, intii u dhaxeysay 1996-2001.

Sirajudiin Xaqani oo ah madaxa ururka Shabakadda Xaqaani oo la rumeysanyahay inuu laayay dad badan oo rayid ah, ayaa loo magacaabay ra’iisal wasaaraha cusub, ninkan ayaa sidookale doondoonaysa FBI-da Mareykanka.

Si kastaba, wlei ma cadda muddada uu Ghani joogi doono Imaaraatka. Waxaa laga yaabaa inuu muddo kaddib Mareykanka aado, balse falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in xilligan uusan Mareykanku albaabbada u furi doonin.

Tanreja ayaa yiri, “Imaaraatku wuxuu hore magangalyo u siiyay dad ka soo jeeda Dunida Islaamka wuxuuna u fidiyay gogol lagu wada hadlo. Xaaladahaas oo kale marka la eego, tegitaanka Ghani ee Imaaraatka ma aha mid la yaab leh.”

Balse in lagu noolaado Imaaraatka iyana ma fududa. Nolosha halkaas waa qaali. Wararka qaar ayaa sheegaya in Ghani uu la soo qaxay lacag aad u badan, balse Ghani wuu beeniyay arrintaas.

Ghani ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Afghanistan uu ka soo tagay isagoo xiran dhar iyo kabo isla markaana uusan waxba heysan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Barnaamijka Su’aalaha Ramadaanta Iyo Shacabka Borama Qaybtii 15

Bnnstaff Bnnstaff

Dab Xoogan Oo Ka Kacay Isbitaal Iyo Dad Jiifay Covid 19 Oo Ku Shuf Beelay Dabkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Erdogan Oo Ka Hadlay Arin Masiibo Ah Oo Ka Dhacday Bada Dalka Turkiga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More