Diiwaangelinta Musharixiinta Aqalka Sare Oo Maanta Ka Billaabaneysa Magaalada Jowhar

Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa lagu wadaa in Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ay Magaalada Jowhar ka billaabaan diiwaangelinta musharixiinta 8 kursi ee Aqalka Sare ku matali doona Maamulka Hir-Shabeelle.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shalay soo saaray liiska Musharixiinta Aqalka Sare, waxaana la filayaa in Maalinta Isniinta ah ee soo socota inay bilaabato doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo socon doonta muddo saddex maalmood ah.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa shaaciyay in diiwaangelinta musharixiinta ay ku egtahay Maalinta Sabtida ah oo taariikhdu ku beegan tahay 11/9/2021, waxana Magacyada musharixiinta la diiwaan gelinayo ay kala yihiin.

1: Muuse Suudi Yalaxow
Cabdullaahi Sheekh Xasan
Axmed Xasan Cadow
Xaaji Muxudiin Xasan Afrax
Dr. Xasan Cadaay Cali.

2: Maxamed Amiin Shiikh Cusmaan
Daaha Muxudiin Sh. Daa’uud
Axmed Maxamed Cali (Afcadey)
Yuusuf Macallin Xasan (Fila-dheere)
Dr. C/raxmaan Muuse Xabad

3: Maxamed Axmed Nuur (Tarsan)
Raage Xasan Cusmaan (Xuuti)
Dr. Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle).

4: Prof. Maxamed Cusmaan Dhega-juun
Nuur Maxamed Geedi (Canjeex)
Mukhtaar Xuseen Axmed

5: Cali Shacbaan Ibraahim
Cabduqaadir Xanafi Sheekh Bashiir
Cabdullaahi Axmed Tawaad
Caasho Xuseen Abuukar
Cabdalle Cabdi Xuseen.

6: Xasan lidow Muxumed Kobac
Cusmaan Axmed Macow
Cabdinuur Ibraahim Nuur.

7: Fartuun C/qaadir Faarax Karaama
Adna Xasan-Mahad Cabdi
Sacdiya Yarow Aadan.

8: Naciimo lbraahim Yuusuf
Maryan Maxmed Kuulow
Zamzam Cabdullaahi Xuseen
Maxamed Macallin Xasan Kulmiye
Abuukar Xasan Cali (Maqaneey)
Cabdalla Maxamuud Cusmaan.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa horay u sheegay in Maamulkiisa uu si hufan u qaban doono doorashada Aqalka Sare, taas oo laga dareemay liiska Aqalka Sare ee uu soo saaray.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Shixnad Maandooriye Ah Iyo Halka Lagu Qabtay

Bnnstaff Bnnstaff

Dalku Xaalad Qalafsan Oo Muragsan Ayuu Galay Golihii Bad-baadin Lahaana…” Boqor Axmd Iman

Bnnstaff Bnnstaff

Cabdirashiid Janan Oo Ka Soo Degay Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More