Taliyaha Cusub Ee Nisa Yasiin Faray Oo Kulan La Qaatay Taliyayaasha Ciidanmada Dalka

Waxaa Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho Taliyeyaasha Ciidamada, Booliska, Asluubta, Millateriga, Taliska qeybta Booliska Gobolka Banaadir iyo Agaasimaha uu Farmaajo sida kumeel gaarka ah ugu Magacaabay Hay’adda NISA sidoo kalena ah Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir ee Yaasiin Fareey.

Kulanka ayaa taliyeyaasha waxaa ay uga hadleen xaalada amni ee dalka sida loo wajahayo xaaladda ka taagan dalka iyo sidoo loo xaaiijin lahaa amnuga dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo kulanka faah faahinayay ayaa sheegay in ay diirada ku saareen arrimaha doorashooyinka amnigeeda iyo sida looga gudbi lahaa isqab qabsiga arrinaha doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xaaladda dalka haatan amnigiisa uu yahay mid wanaagsan, isla markaana aysan kajirin sida dadka ay Baraha Bulshada wax ugu soo qorayaan, waxaana uu ka dalbaday dadka isticmaala baraha Bulshada ku kulmaan in ciidamada lala shaqeeyo aadna looga dhowrsado wararka abuuri kara kicin iyo cabsi gelin.

Taliye Xijaar ayaa hadalkiisa waxaa uu intaasi ku daray in shirkooda ay ku cadeeyeen in Ciidamada ku filan yihiin Amniga dalka ayna sugayaan, sidoo kale uu sheegay in dalka Soomaaliya uu leeyahay cadaw Gudaha & dibadda ah, isla markaana ay dhici karto inay ka faa’iideystaan xilliga doorashada ee lagu jiro.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga Amniga ayaa sheegay in ay jiraan dowlad Goboleedyo ay tageen si looga hubiyo amniga goobaha ay ku qabanayaan doorashada, sidoo kalenay qorsheynayaan in ay tagaan dowlad goboleedyada kale ay tagaan si loo hubiyo Amnigooda.

Kulanka ay maanta yeesheen taliyaasha ciidamada ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalka laga dareemayo khilaaf u dhaxeeyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen, kaas oo ka dhashay kiiska maqnaanshaha Ikraan Tahliil.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Shacabka Reer Awdal Oo Loogu Baaqay In Ay Ka Soo Qayb Qaataan Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Borama

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Oo Shaaciyay In Ay Laayeen 50 Xubnood Oo Alshabaab Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Dabagal Xoogan Ku Haya Lacagaha Ka Yimaada Dalalka Carabta Ee Soo Gala Somaliya Xiliga Doorashooyinka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More